Ku soo dhawoow Matxafka Qaranka ee ku yaala Oslo, madxafka farshaxanka ee wadamada gobolka Waqooyiga Yurub ugu weyn.

Waxaad halkan sahamin kartaa farshaxanka Noorwiijiyanka iyo farshaxan caalamiga ah, naqshada dhismeyaasha iyo naqshadaynta, taas oo ay ku jirto mid ka mid yihiin waxyaalaha aduunka ugu wanaagsan ee laga soo ururiyay shaqadii Edvard Munch.

Goobta:

  • A

    Brynjulf Bulls plass 3, 0250, Oslo

Waxa uu matxafku furan yahay Salaasada-Axada.

Wakhtiyada furitaanka ayaa kala duwanaan kara. Fiiri soo gunaanadka af Ingiriisiga ku qoran ee wakhtiyada furitaanka ee dib loo cusbooneysiiyey

Qiimaha tigidhada:

• Qofka weyn: NOK 200

• Qofka 18 sanno jir ka yar: Bilaash
• Da'da 18–25 iyo ka dhimista: NOK 120

Fiiri waxkhtiyada la heli karo oo dooro wakhtiga adiga kugu habboon.

Tigidh gado

La soo deg app-ka

Bilaash kula soo deg Hagaha Soo booqdayaasha ee madxafka iyadoo aad markaas heli doonto cod/maqal ku hagaaya oo luqado badan ku baxaya, macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxyaalaha la soo bandhigaayo, iyo khariidad la dhexgali karo oo kaa caawinaysa inaad ogaato meesha aad madxafka ka mareyso.

Halkan app-ka kala soo deg:

• Apple App Store

• Google Play Store

Waxyaalaha la isku soo ururiyey

Qolalka ay waxyaalaha la isku soo ururiyay yaalaan waxay tusayaan farshaxan muuqaalka ee Nooriijiyanka, naqshada dhismayaasha, nashqad iyo farshaxanka farsamo gacmeedka ah oo wadahadal la leh shaqooyinka ugu waawen ee farshaxanno caalami ah.

Farshaxanada Norwiijiyanka ah ee sida Johan Christian Dahl, Kitty Kielland, Harriet Backer, Theodor Kittelsen, Hannah Ryggen, Karen Holtsmark, Bendik Riis, John Savio, Irma Salo Jæger, Kjartan Slettemark, Inghild Karlsen, Bjørn Carlsen, Torbjørn Rødland, Matias Falk, Matias Fall ayaa ka qeyb ah kuwaas oo ay weheliyaan shaqooyin ugu muhiim ah ee farshaxano caalami ah kuwaas oo ay ku jiraan Claude Monet, Berthe Morisot iyo Pablo Picasso.

Waxa uu Edvard Munch leeyahay qol isaga u gaar ah. Waxaad halkaas ku arki kartaa sawir gacmeedyo kuwii ugu horeeyay ee The Scream, Madonna, The Girls on the Bridge, The Dance of Life iyo The Sick Child. Waxaad dabaqa koowaad ka heli kartaa shaqada Peter Dundas iyo Ramona Salo Myrseth oo iyagu naqshada moodada sameeya. Waxa dabaqa labaad ku yaal qol loo qoondeeyey farshaxanka naqshadaha dhismayaasha ee Sverre Fehn.

Waxa dheeraad ah oo Munch iyo The Scream ku saabsan ka akhriso halkan Matxafka Qaranka (Af Ingiriisi)

Matxaf naadir ah

Matxafka Qaranku waxa weeye goob dhiirigalin lagu raadsado oo lalana kulmo dhacdooyin waaweyn ee dhaqanka. Hoolka Iftiinka weyn ee madxafka guudkiisa ku yaala waa goob bandhig oo cajiib ah oo dhan 2,400 mitir oo laba jibbaaran dhan, waana wax weyn oo ku soo kordhay cirka sare ee Oslo.

Waxaad makhaayada madxafka iyo barxada ku taala saqafka kore kaga nasan kartaa farshaxanka iyadoo aad wakhti wanaagsan la qaadanayso saaxiibada iyo qoyska adigoo cabbay qaxwo ama cunto fudud cunaaya. Waxay dukaamada madxafku hayaan alaabo xiiso badan oo kala duwan. Barxada hore ee irida weyni ku taala ayaa ah boos magaalada oo waxyaalo badan ka dhacaan kaas oo leh meelo banaanka oo wax laga cuno iyo meelo la fadhiiso, goob kulan oo wanaagsan iyo goob munaasabado kala duwan lagu qabto.