Other languages

Nasjonalmuseet (Matxafka dawliga) ee sawirka, nashkhadda dhiska iyo farshaxanimada

Nasjonalmuseet (Matxafka dawliga) ee sawirka, nashkhadda dhiska iyo farshaxanimada (pdf)

Nasjonalmuseet waxa uu uruuriyaa oo ilaaliyaa, soo bandhigaa oo gudbiyaa kaydka ugu badan Norway ee sawirka, nashkhadda dhiska iyo farshaxanimada. Matxafku waxa uu soo bandhigaa, bandhigyo joogto ah oo isagu uu leeyahay, iyo bandhigyo isbedela oo uu soo amaanaystay iyo qaar uu leeyahayba. Goobta bandhiggu ee Oslo waa Nasjonalgalleriet, Museet for samtidskunst, Nasjonalmuseet – Arkitektur og Kunstindustrimuseet. Barnaamijkan bandhiggu waxa kale oo uu ka koobanyahay bandhigyo waddanka gudahiisa iyo dibeddiisaba ku wareega.

Sawir

Nasjonalgalleriet og Museet for samtidskunst

Sawiradii hore iyo kuwa casriga ahba waxa lagu soo bandhigaa Nasjonalgalleriet, sawirada wakhtiga la joogo waxa lagu soo bandhigaa Museet for samtidskunst. Uruurintan badankooda waxa ay ka timid sawir iyo farshaxanimo norwiiji ah oo ka soo jeedaa qarnigii 1800. Matxafku waxa kale oo uu hayaa sawiro badan oo norwiiji ah iyo qaar ajaanibba. Edvard Munchs sawirkiisa Skrik, iyo qaar kale oo ka mid ah waxyaabaha uu sameeyey ee caanka ah, ayaa qayb culus ka ah uruurinta. Sawirleyaasha kale ee canka ah waxa ka mid ah J.C. Dahl, Aldolph Tidemand, Hans Gude, Harriet Backer iyo Christian Krohg. Uruurinta qarniga 20aad waxa ay tusaysaa sawirka qoritaanka ee norwiijiga oo sal iyo xidhiidh la leh sawirka nordika ah iyo ajaanebka, sawirka-la sameeyey, sawirka-kamerada, fiidyoo iyo waxyaabo kale oo la cabiray. Sawirka joogtada ah waxa ugu muhiimsani waa er Ilya Kabakov rakibka la adkeeyey Mannen som aldri kastet noe (1988–1995).

Canaawiinta booqashada: Nasjonalgalleriet, Universitetsgata 13; Museet for samtidskunst, Bankplassen 4

Nashkhadda dhiska

Nasjonalmuseet – Nashkhadda dhiska

Bandhigyada nashkhadda dhiska oo ka soo bilaabma muddo taariikhi ah ilaa nashkhadda dhiska ee iminka waxa lagu soo bandhigaa Nasjonalmuseet – qaybta nashkhadda dhiska. Laba dhisme nashkhad dhsime oo muhiim ah, mid laga soo bilaabay qarnigii 1800 iyo mid laga soo bilaabay qarnigii 1900, waxa ay siiyeen dhiska qaab. Dhismaha guud waxa sawiray Christian H. Grosch waxaanuu dhamaaday 1830. Waxa dib u dhisay oo dhistay Sverre Fehn waxaanu ka furay goob nashkhadda dhiska lagu soo bandhigu 2008dii. Uruurinta nashkhadda dhiska waxa uu culayskiisu ku fadhiyaa modernismen(casriyaynta), iyada oo xoog dheerad ah la siiyey mudadii dagaalada u dhaxaysay. Uruurintu guud ahaan waxa ay ka koobantahay shakhsiyaadka norwiijiga ah faylashooda nashkhadda dhiska, waxa ay ka kooban yihiin sawiro, sawir-kamero, munado, warbxin iswaydaarsi iwm.

Cinwaanka booqashada: Bankplassen 3

Farshaxanimada

Kunstindustrimuseet (Matxafka sinaacada ee farshaxanimada)

Farshaxanimada waxa lagu soo bandhigaa Kunstindustrimuseet. Uruurintu waxa ay ka soo bilaabantay xiligii xadaaradda giriiga iyo sawiro ka yimid asiyada bari ilaa taariikhda yurub ee kobcaysay. Waxa ka mid ah dhar, xarago iyo toliin, qalabka guriga la dhigto, maar, galaaska, dhoobada, iyo farshaxanimada. Waxa uruurinta ugu waaweynaa roogga Baldishol, roog cajiib ah oo la tolay oo gobelin ah oo la sameeyey qarnigii 1100, uruurinta dharka reer boqor iyo galaasyadii qarnigi 1700 ee Nøstetangen, warshaddi galaas ee ugu horeysay ee Norway.

Cinwaanka booqashada: St. Olavs gate 1

Tusmada norwiiji iyo ingiriisiba waa lagu soo bandhigaa: omvisninger@nasjonalmuseet.no

Maamulka matxafka dawladda iyo maktabadda

Cinwaanka booqashada: Kristian Augusts gate 23, Oslo
Boostada: Postboks 7014, St. Olavs plass, N-0130 Oslo
Tlf.: (+47) 21 98 20 00
E-mail: info@nasjonalmuseet.no

Kala soco matxafka dawladda

www.facebook.com/nasjonalmuseet iyo www.twitter.com/nasjonalmuseet

Wixii warbixin ah ee dheeraad ah iyo uruurinta muhiimka ah

eeg www.nasjonalmuseet.no iyo www.nationalmuseum.no